Sida uu ninkan u dilay xaaskiisa kadibna meydkeeda suuli ugu dhex qariyay
Maxkamad ku taala magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa xabsi daaβin ku xukumay nin la yiraahdo Shannawaz Amir, kadib markii uu dilay xaaskiisa, Sarah Inam, iyadoo sidoo kale lagu ganaaxay hal milyan oo lacagta dalkaas ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale goβaamisay in lacagtaas lagu wareejiyo qoyska xaaska geeriyootay.
Ha yeeshee ninkan ayaa diiday inuu geystay dilka xaaskiisa Sarah. βWaan baxay, marki aan soo laabtayna, meydkeeda ayaan ku dhex arkay suuliga, waxaana laga yaabaa inuu qof kale dilayβ, ayuu yiri.
Balse sida boolisku sheegeen, baaritaanka la sameeyay ayaa muujinaya in lammaanaha uu dhex maray muran, sidaas awgeedna uu ninka garaacay xaaskiisa ilaa ay ka geeriyootay, wuxuuna markii dambe meydkeeda ku dhex qariyay suuli.




