Soomaaliya oo muddo dheer kadib laga cafiyay balaayiin doolar oo deyn ah

Iyadoo xalay bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta ee IMF ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deyntii muddada dheer lagu lahaa ayaa tillaabadaas waxaa soo dhaweyay Soomaali badan oo ay ugu horreyaan madaxda dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo siyaasiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howshaan ay heerar kala duwan soo martay isla markaana uga mahadceliyay cid walba oo qayb ka soo qaadatay.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hadda u sahlantahay in ay qaadato deyn kale, laakin waxaa uu xusay in arrintaan ay u taallo dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Raysal wasaasre Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya laga cafiyay deyn ka hortaagneed horumarro badan oo ay gaari laheed, isagoo tilmaamayin guul shaqo badan la galiyay ay Soomaaliya hadda gaartay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker