Ra’iisul Wasaare Xamse “Somalia waa ay ka baxday Liiska Dalalka qaamaysan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan, taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii horumarka ka hortaagnayd dalka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo sanadkii 2012.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda Dan Qaran ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay ka mid yihiin dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker