Mucaaradka Puntland oo shaaciyey mowqifkooda ku aadan qorshaha cusub ee Deni

Mucaaradka Puntland ayaa ku gacan sayaray guddi uu magacaabay madaxweyne Saciid Deni, kaas oo loo xil saaray ‘ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada’.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa u waramay idaacadda BBC, wuxuuna sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, ‘oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa’.

Faarax oo aad uga hadlay xagga dhexdhexaadnimada guddiga ayaa yiri “waa dad dhanna qaraabo ah, qaarna ay xubno ka yihiin xisbiga madaxweynaha ee Kaah.”

Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin, Caasimada Online waxay ogaatay in xubnaha guddiga ee la diidan yahay qaarkood ay ku jiraan xisbiga Kaah ee madaxweyne Deni.

Isaaq Axmed Xasan oo ah guddoomiyaha guddiga uu magacaabay Saciid Deni, wuxuu 10 sano soo ahaa guddoomiyaha degmada Waaciye ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker