Israa’iil oo soo saartay war hanjabaad u muuqda

Israa’iil ayaa sheegtay in dagaalka Qasa ee ay kula jirto Xamaas uu sii socon doono, haddii ay taageero ugu hesho caalamka iyo haddii kalaba.

“Ma jiraan wax ka joojinaya Israa’iil inay sii waddo dagaalka ka dhanka ah Xamaas,” ayuu yiri raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Hadalkaan ayaana imaanaya iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu shalay sheegay in Israa’iil ay u muuqato in ay lumineyso taageerada caalamiga ah sababo la xiriira dagaalka iyo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ka socda waqooyiga iyo koonfurta Qasa.

Xaaladda Qasa ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ka sii daraysa waxaana waxyeello xoogan ay mar walba soo gaaraysaa dadka rayidka ah.

Warka ka soo baxay Israa’iil ee ah in ay dagaalka sii wadeyso ayaa ku soo aadaya sido kale xilli ay socdaan dadaallo ku saabsan sidii loo gaari lahaa xabad-joojin waarta oo labada dhinac la kala dhex dhigo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker