Qaar kamida dalalka Yurub oo ku taliyay in cunaqabateyn la saaro Xamaas

Talyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku taliyay in cunaqabatayn la saaro Xamaas.

Dalalkan ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay cunaqabatayn deg deg ah ku soo rogaan Xamaas iyo taageerayaashooda.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in ay aragtay warqad ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas u qoreen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell.

“Waxaan si buuxda u taageersannahay soo jeedinta ah in la abuuro nidaam cunaqabatayn ku meel gaar ah oo ka dhan ah Xamaas iyo taageerayaasheeda,” ayaa lagu yiri warqadda.

“Oggolaanshaha degdega ah ee nidaamkan cunaqabataynta ah ayaa noo suurtagelin doonta inaan dirno farriin siyaasadeed oo adag oo ku saabsan sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay Xamaas iyo isbaheysigayada aan la leennahay Israa’iil.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker