Maraykanka oo si degdeg ah hub uga iibinaya Israa’iil

Maamulka Mareykanka ayaa ansixiyay in Israa’iil laga iibiyo hub degdeg ah, kaddib markii ay is khilaafeen Congress-ka, sida uu dhigayo sharciga xakameynta dhoofinta hubka, kaasoo madaxweynaha siinaya awoodda uu ku xakameyn karo soo dejinta iyo dhoofinta qalabka militariga.

Waaxda Gaashaandhiga ayaa Sabtidii sheegtay in maamulka Biden uu adeegsaday awoodda degdega ah si uu ugu oggolaado in la gaarsiiyo 14,000 oo madaafiic ah Israa’iil, iyada oo aanu dib u eegis ku samayn Congress-ka.

Kaalmada militariga waxaa sidoo kale ka mid ah rasaasta lagula dagaalamo taangiyada, waxa lagu qiimeeyay in ka badan boqol milyan oo doolar.

Rasaastan waa qayb ka mid ah iib weyn oo uu Maamulka Biden uu ka codsaday Congress-ka Mareykanka in uu ansixiyo xirmo weyn oo ku kacaysa in ka badan 500 oo milyan oo doolar, oo ay ku jiraan 45,000 oo rasaasta taangiyada Merkafa ee Israa’iil ee loo adeegsaday dagaalka Qasa, kaas oo sababay dhimashada kumanaan rayid ah.

Khilaafka u dhexeeya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee ku saabsan amniga xadka Mexico ayaa hor istaagay in la ogolaado maalgelinta Isra’iill iyo Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay in Washington ay u baahan tahay in ay Israa’iil ka caawiso sidii ay isu difaaci lahayd.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa walaac ka muujiyay iibkan, iyaga oo sheegay in aysan waafaqsanayn dadaallada Washington ay ku doonayso in ay Israa’iil ku cadaadiso in ay hoos u dhigto khasaaraha rayidka.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Sabtidii sheegtay in Washington ay weli u caddahay xukuumadda Israa’iil baahida loo qabo in loo hoggaansamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo in la qaado dhammaan tillaabooyinka suurtagalka ah ee looga hortagayo waxyeellada rayidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker