Madaxweynaha DR Congo Tshisekedi oo dhiggiisa Rwanda Kagame barbar dhigay Hitler

Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa dhiggiisa Rwanda barbar dhigay Adolf Hitler.

Félix Tshisekedi ayaa sheegay in Paul Kagame uu u dhaqmayo sidii Hitler oo kale, waxaana uu intaa ku daray: “Waxaan ballan qaadayaa inuu ku danbeyn doono sidii Hitler”.

Mr Tshisekedi oo u ololeynaya in dib loo doorto ayaa khudbad ka jeedinayay isu soo bax ka dhacay magaalada Bukavu oo ku dhow xadka Rwanda.

Wuxuu inta badan ku eedeeyay Rwanda inay taageerto fallaagada bariga dalkiisa, taasoo ay weligeed diidi jirtay.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha Congo mid “hanjabaad cad ah”.

Codbixinta oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba toddobaad, Mr Tshisekedi waxa uu isku dayayaa in uu ku guuleysto taageerada shacabka mar labaad. Inkastoo la isku dayay in la damiyo rabshadaha oo ay ka mid yihiin heshiisyo xabbad joojin ah iyo joogitaanka ciidamada gobolka iyo kuwa Qaramada Midoobay oo hadda baxay, ayaa haddana waxaa bariga dalkaas ka taagan falal ammaan-darro ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker