Ciidamada Faransiiska oo labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ku soo riday Badda Cas

Ciidamada Faransiiska ayaa sheegay in markabka Faransiiska uu soo riday laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn oo ku sii jeeday badda cas, kadib markii laga soo diray xeebbaha Yaman.

Taliska ciidamada Faransiiska ayaa intaa ku daray in markabku la kulmay khatar, isla markaana uu burburiyay khatartii jirtay.

Dhacdooyinkan ayaa ku kala beegnaa sideedii iyo barkii, iyo toban kii iyo barkii habeenimo ee xalay.

Xuutiyiinta oo taageero ka helaya Iran, ayaa horey ugu hanjabay in ay beegsan doonaan markab kasta oo ku wajahan dekeddaha Isra’iill, haddii aan cuntada iyo daawada loo ogolaan inay galaan marinka Qasa ee go’doonsan.

Digniintan ugu dambeysay ayaa timid iyadoo ay sii kordheyso xiisadda ka taagan Badda Cas iyo biyaha ku xeeran kaddib weerarro is daba joog ah oo dhanka badda ah oo ay qaadeen Xuutiyiinta tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Isra’iill iyo Xamaas 7-dii Oktoobar.

Maraakiibta Mareykanka ee wax burburiya ayaa soo riday saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn todobaadkii hore xilli ay caawinayeen maraakiibta ganacsiga ee ku sugan Badda Cas ee laga soo bartilmaameedsaday Yaman, sida ay sheegtay Washington, oo cambaareysay “khatarta tooska ah” ee amniga badda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker