Raysal Wasaaraha Wadanka Ethiopia Oo Kulan Ugu Baaqay Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Dalkaasi.

Addis-ababa-(OWN)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa qorshaynaya inuu kulan muhiim ah la qaato hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee ka diwaan gashan dalkaasi.

Wada hadalkan ayaa la sheegay in labada dhinac diirada ku saari doonaan nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka Itoobiya iyo dib u habaynta guddida doorashada si loo hubiyo in doorashooyinka soo socdaa ay u dhacaan si xor iyo xalaal ah.Xafiiska raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa shaaciyey in hogaamiyeyaasha mucaaridka oo dalka dib ugu soo laabtay lagu marti qaaday xafiiska iyada oo raysal wasaaruhu uu la yeelan doono wadda hadal uu ka qayb galayo.

Kulanka raysal wasaare Abiy Ahmed iyo hogaamiyeyaasha xisbiyada mucaaridka qabsoomaya maalinta salaasada ah ee todobaadkan kaas oo la sheegay inuu ka dhacayo xarunta shirarka ee xafiiska raysal wasaaraha.

Natiijada sawirka ABIY AHMED

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker