Shirkada Diyaaradaha Samaysa ee Boeing oo qiratay inay ogeyd cilladda ridday diyaaradahii burburay
Shirkadda diyaaradaha farsameysa ee Boeing ayaa markii ugu horreysay qiratay inay horay uga warqabtay cilladda sababtay inay soo dhawaan diyaaradaheeda noocoodu yahay 737 MAX.
Mas’uuliyiinta Boeing ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ka war heleen hal sano ka hor inta aysan diyaaradaha galin shilalka khasaaraha badan dhaliyay, hase yeeshee aysan wax tallaabo ah qaadin.
Shirkadda ayaa sheegtay in qeylo dhaanta cilladaas ay ka dhigtay mid aan mudnaanta koowaad la siinin, balse waxay ku adkeysatay in aysan cilladdu ahayn mid u muuqatay inay khatar galineysay nabadgalyada duullimaadyada.
Dhammaan diyaaradaha noocoodu yahayBoeing 737 MAX ayaa caalamka laga mamnuucay kadib markii bishii Maarso ay burburtay diyaaradda Ethiopian Airlines, taasoo ay ku dhinteen 157 ruux.
Shan bilood waqtigaas ka hor, 189 qof ayaa ku dhimatay shil kale oo ku dhacay diyaaradda Lion Air ee laga leeyahay dalka Indonesia.
Diyaarad kale oo Boeing 737 ah ayaa dabayaaqadii isbuuca ku burburtay gobolka Florida ee dalka Mareykanka xilli ay ku soo dageysay garoon diyaaradeed.
Rakaabka diyaaradda saarnaa waxay sheegeen in xilliga ay diyaaradda gigada soo caga dhiganeysay uu baraf aad u xooggan da’ayey kadibna ay diyaraddu ka baxday waddadi ay ku dagi lahayd kuna dhacday wabiga St John.
136 qof oo rakaab ah iyo 7 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda ayaa diyaaradda wabiga ku dul dhacday laga soo badbaadiyey.
21 qof oo rakaabkii diyaaradda saarnaa ka mid ah ayaa Isbitaalka loola cararay kaddib marki ay dhaawacyo shilkasi ka soo gaareen.
Boeing ayaa hadda diyaarineysa hannaan cusub oo ay ugu tala gashay diyaaradaheeda.
Sidee shirkadda Boeing loogu kalsoonaan karaa?
Maareeyaha shirkadda Boeing ayaa horay qirtay inuu shilki diyaaradeed ee ku yimid diyaaraddii 737 Max 8 ee ay lahayd Shirkadda diyaaradaha Itoobiya uu ka dhashay habka duulista diyaaradda ee MCAS oo ay cillad ku timid.

Shirkadda Boeing ayaa waxay billaawday tallaabbooyin ay u qaadeyso sidi ay wax uga beddeli lahayd habka duulista diyaaradda ee MCAS si ay sumcaddeedi hore u soo ceshato.
Si kastaba ha ahaatee, dalabka diyaaradaha ee ay shirkadaha qaar hakiyeen ama ay ka noqdeen ayaa shirkadda Boeing welwel ku abuuray iyada oo ay 5,000 oo diyaradood oo nooca 737 oo horay looga dalbaday dalabkooda la joojiyey.
Haddaba khubarada ku xeel dheer dhaqaalaha laga sameeyo dhinaca duulimaadyada ayaa sheegay iney adagtahay sida loogu kalsoonaado shirkadda Boeing sumcaddeedi horana ay si degdeg ah u soo ceshato.