Itoobiya oo xirxirtay ku dhawaad 100 qof oo qaarkood lagu eedeyay in ay qorsheynayeen “weerarro argagixiso”

Laamaha ammaanka dalka Itoobiya ayaa xirxiray tobannaan qof, iyadoo lagu wado in magaalada Adis Ababa lagu qabto isu soo baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo colaadaha ka dhacaya qaybo ka mid ah dalkaas oo ay soo qabanqaabiyeen u dhaqdhaqaaqayaasha arrimaha bulshada iyo xubno ka tirsan mucaaradka.

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen laamaha ammaanka iyo waaxda sirdoonka ayaa lagu sheegay in la xirxiray dad gaaraya 97, qof kuwaas oo lagu eedaynayo in ay qalalaase ka abuuri rabeen caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku eedeyay dadka xabsiyada la dhigay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan weerarro “argagixiso” iyagoo ugu gambanaya dibadbaxyada ay doonayaan in ay halkaa ka sameeyaan.

Inkastoo mas’uuliyiinta dowladdau ay sheegayaan in dadkaas boqolka qof ku dhow la xidhxidhay, haddana  ilaa iyo hadda waxay xaqiijisay in la xidhay dad gaaraya afar qof oo ka mid ah qabanqaabiyaasha bannaanbaxaas lagu wado in la qabto maalinta Axadda ah ee nagu soo aaddan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker