Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay go’aankii Siciid Deni

Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheehkh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay go’aankii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo ahaa in Puntland ay ku laabaneyso nidaamkii hore ee ay beeluhu soo dooranayeen xlidhibaannada, kadibna ay dooran doonaan madaxweynaha siddeedda bisha soo socota ee Janaayo.

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka. Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.” ayuu madaxweyne Xasan sheekh ku yiri bayaan uu soo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aanka Siciid Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ku tilmaamay inay yihiin ‘tallaabooyin xoojinaya xasilloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan.’

Siciid Deni ayaa hore u sheegay in Puntland ay ka gudbi doonto nidaamka wax qeybsiga beelaha, islama markaana loo gudbi doono doorasho qof iyo cod ah, taas oo guddiga doorashada Puntland uu muddooyeya inay dhici laheyd 25-ka bisha Februaray 2024, laakiin saamileyda siyaasadda Putnald ayaa diiday nooca doorasho ee uu qorsheeyay maamulka madaxweyne Deni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker