Sharciga Batroolka ee Soomaaliya oo Noqday Qodobka ugu Xasaasisan ee kala Fogeeyay Wadamada La dariska ah

 

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay Sharciga Batroolka oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen, waxaana xeerkan uu salka ku hayaa muran xoog leh oo dhinacyo badan taabanaya.

Sharcigan oo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiirada ayaa ka mid ahaa sharciyada ugu muhiimsan ee ay aad u daneyneysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

154 Xildhibaan oo soo xaadiray kulankii maanta ayaa waxaa cod gacan taag ah ku oggolaaday 150 Xildhibaan, halka 4 Xildhibaan ay diideen.

 

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday ol’ole ay wadday Xukuumadda oo ahaa sidii sharcigan loo ansixin lahaa.

Shirkii natiijo la’aanta ku dhamaaday ee dhowaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa qodobbadii ay isku mari waayeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada waxaa ka mid ahaa arrimaha Batroolka.

Ansixinta Sharcigan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo bisha Nofembar ee sanadkan la filayo in la billaabo gaaska ku jira goobaha shidaalka laga sahmiyay oo Shirkadaha Shidaalka ay iibsan doonaan.

Wadaagga iyo lahaanshaha kheyraadka

.Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah, oo gacan taag ah ku ansixiyay sharciga Batroolka

Qodobka 4-aad ee xeerka ayaa dhigaya sidan: “Kheyraadka Batroolka waa hanti qaran oo ay wada leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana wakil uga ah Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka.

Hase yeeshee waxa ay su’aalo badan ka taagan yihiin sida loo qeybsan karo dhaqaalaha la filayo inuu kasoo baxuo kheyraadkan dabiiciga ah.

Qodobka lixaad ayaa dhigaya in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada hoos taga ay wadaagayaan maamulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkan.

Hase yeeshee, madaxda dalka ayaa marar hore isku fahmi waayay sida loo wajahayo ka faa’iideysiga hantida qaranka ee loo wada siman yahay.

Mas’uuliyiinta maamul goboleedyada ayaa durba ku dhawaaqay inay saluugsan yihiin sharcigaas, oo aysan ku qanacsaneyn.

Sidoo kale jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn sharcigaas iyo ku dhaqankiisa.

Milkiyadda Kheyraadka Dabiiciga ah

Sidoo kale qodobka 5-aad ee xeerka ayaa qeexaya in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay leedahay milkiyadda guud ee kheyraadkeeda dabiiciga ah, berriga iyo baddaba.

Qodobkan ayaa taabanaya muran dhinaca xuduudda badda ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo kiis la xiriira uu hadda yaallo maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda adduunka.

Labada waddan ayuu mid walba sheeganayaa inuu leeyahay qeybo kamid ah dhul badeedka u dhaxeeya, halkaasoo uu dhex ceegaago kheyraad gaas ah oo qiimo badan ku fadhiya.

Waxaa hadda taagan xiisad dhinaca diplomaasiyadda ah oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, taasoo bilihii lasoo dhaafay sii xoogeysaneysay.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Soomaaliya ay boobeyso hantideeda, waxayna xukuumadda Nairibi qaadday tallaabooyin ay dadka qaar u fasirteen inay cadaadis arrintaas ku saabsan ku saareyso Soomaaliya.

‘Dhammaan heshiisyadii hore waxba kama jiraan’

.Dhammaan heshiisyadii hore ayaa la laalay

Qodobka sagaalaad ee sharciga Batroolka ayaa dhigaya in waxba kama jiraan laga soo qaado dhammaan heshiisyadii hore ee ay dowladihii hore eek u meel gaarka ahaa iyo dowlad goboleedyada ka sameeyeen arrimaha bartoolka intii u dhaxeysay sannadihii 1090-kii ilaa 2012-kii.

Taas ayaa abuureysa xiisad culus oo saameyneysa dowlado ku xisaabtamayay inay heshiisyadii hore u hir galaan ama tixgalin la siiyo.

Warbaahinta maxalliga ah ee Soomaaliya ayaa tabisay inay heshiisyo ku saabsan batroolka horay u saxiixeen maamulladii TFG-da Soomaaliya, Somaliland, Puntland iyo Galmudug oo dhammaan qansaraasyo la saxiixday shirkado ajnabi ah intii u dhaxeysay 1991-2013-kii.

Sharciga bartoolka ayaa sidaas awgeed dhalinaya xasarad u dhaxeysa Soomaaliya iyo shirkado ama dowlado heshiisyo hore lala galay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker