Waa kuma ninka Adna Aadan kaalinta koowaad ka galay ee muslimka oo dhan sanadkan ugu saameynta batay?

Wargeyska the Muslim 500 oo laga leeyahay dalka Jordan, ayaa shaaciyay liiska shanta boqol ee qof ee Muslimka ugu saameynta badan sanadka 2024-ka.

Liiskan oo ah mid sanadle ah, ayuu wargeysku soo saaraa sanad kasta, waxaana lagu xushaa dadka ugu saameynta badan Muslimka.

Professor Syed Muhammad Naquib Al-Attas ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska anadka 2024-ka.

Syed, waxaa uu saameyn weyn ku lahaa dunida muslimka muddo ka badan lixdan sano.

Sanadkii 1931-dii ayu uku dhashay gobolka Bogor ee dalka Induniisiya.

Waxaa u uku takhasusay culuunta islaamka oo dhinacyo kala duwan leh. Tobankii sano ee u dambeeyayna, waxaa uu ku guuleystay abaalmarino kala duwan.

Waxaa uu haatan jiraa 92 sano, iyadoo ay sidaa tahayna, weli waa uu shaqeeyaa, wuxuuna dhawaan qoray bug islaamka ka hadlaya oo la yiraahdo The Covenants Fullfilled.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker