Oromo badan oo lagu laayay weerarro ka dhacay Itoobiya

Dowladd Deegaanka Oromada Itoobiya ayaa Sabtidii ku eedeysay jabhadda Oromada ee OLA inay dileen dad badan oo rayid ah weerarro daba socday fashilkii ku yimid wada-hadalladii nabadeed ee ka socday wadanka Tanzania.

Ugu yaraan 36 qof ayaa la dilay kaddib markii kooxo aan la aqoonsan ay weerareen saddex tuulo oo ka tirsan degmada Shirka ee gobolka Oromiya 24 kii iyo 27 kii bishii ina dhaaftay ee Noofeembar, sida ay ka soo soo xigtay dadka deegaanka wakaalada wararka ee Reuters.

Afhayeenka gobolka Oromada Hailu Adugna ayaa weerarradaas ku eedeeyay ururka OLA oo ah koox sharci darro ah oo ka go’day xisbi mucaarad ahaa oo horey loo mamnuucay, kaasoo ka soo laabtay masaafuris 2018-kii.

“Kooxda argagixisadu waxay ku kacaysaa falal arxan darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, sababtoo ah hadda aad ayay u welwelsan tahay,” ayuu Hailu u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaas ku daray in sidoo kale hanti badan lagu burburiyay weerarradaas.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay OLA.

Dowladda federaalka iyo tan gobolka Oromada ayaa abaabulay kooxo amni si ay jabhadda uga saaraan deegaannada ay maamulaan, ayuu yiri Hailu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker