Nin ku qeylinaya Allaahu Akbar oo toorey iyo dubbe ku weerarray dad dalxiisayaal ah bartamaha Paris

Hal nin ayaa dhintay labo kalena way dhaawacmeen kaddib markii weerar loo adeegsaday toorey iyo dubbe uu ka dhacay meel aan ka fogeyn birta dheer ee bartamaha Paris.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in qofka weerarka geystay uu bartilmaameed saday dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa agagaarka Quai de Grenelle, kaasoo ku dhow daarta Eiffel.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in la xiray nin 26-jir u dhashay dalka Faransiiska oo xogtiisana ay hayeen hay’addaha ammaanka.

Eedeysanaha ayaa u dhawaaday lamaane dalxiisayaal ah, waxa uuna si xun u tooriyeeyay muwaadin Jarmal ah, ayuu yiri wasiirku.

Ninkan ayaa kaddib waxaa daba galay booliiska, laakiin laba qof oo kale ayuu ku weeraray dubbe ka hor inta aan la qaban.

Dadka dhaawacmay waxaa la tacaalaya kooxaha gurmadka degdega ah oo adeeg caafimaad siinaya.

Wasiirka ayaa sheegay in ninka weerarka qaaday uu ku qaylinayay Allaahu Akbar, booliskuna waxa uu mar dambe sheegay in isagoo caraysan uu lahaa “muslimiin badan ayaa ku dhimanaya Afgaanistaan iyo Falastiin”.

Waxa uu sheegay in Eedeysanaha lagu xukumay 4 sano oo xarig ah sanadkii 2016-kii, kaddib markii lagu helay inuu qorsheynayay weerar kale, isla markaana uu ku jiray liiska hay’addaha ammaanka ee Faransiiska.

Ninkan ayaa sidoo kale la ogaaday in uu qabay xanuuno dhimirka ah, ayuu yiri Mr Darmanin.

Hawlgal booliis ah ayaa laga bilaabay agagaarka saldhiga tareenada ee Bir-Hakeim habeenimadii Sabtida, maamulka magaalada ayaa dadka ku booriyay inay ka fogaadaan aaga hawlgalku ka socdo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker