Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

Xabbad-joojintii muddada kooban waxay ahayd guul diblomaasiyadeed. Haatanse, kaddib toddoba casho oo ay hakad ku jirtay, Israa’iil iyo Xamaas ayaa wajahaya caqabaddii ugu weyneyd ee militari iyo siyaasadeed.

Xamaas, iyadu waa u dagaal si ay u badbaaddo. Intiiba dagaalyahan ka tirsan Xamaas uu gantaal ku tuuri karo gudaha Israa’iil waxay u tahay inaan laga adkaan karin.

Mareykanka ayaa kaddib markay dhammaatay xabbad-joojinta Israa’iil u diray shuruudo ku aaddan dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku celiyay sida Mareykanku uga go’an tahay taageerada Israa’iil, mar kalena wuxuu cambaareyn u jeediyay Xamaas.

Mr Blinken ayaa ku celiyay sida uu ugu adkeysanayo “in Israa’iil ay tahay inbay raacdo shuruucda bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo qawaaniinta dagaalka, xitaa marka ay la dagaallameyso urur argagixiso oo aan intaba xeerineyn”.

Kaddib wuxuu Mr Blinken carrabaabay sida ay tahay inay Israa’iil u dagaallanto.

Wuxuu sheegay inay tahay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin wxa ku ool ah oo lagu dhowrayo nolosha rayidka, iyadoo u qoondeyneysa deegaanno ku yaalla koofurta iyo bartamaha Gaza oo ay nabad ku heli karaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker