Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Booqasho ku jooga dalka Azerbaijan
Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo booqasho ku jooga dalka Azerbaijan ayaa booqday qabuuraha hogaamiyaha qaranka Azerbaijan ee Haydar Aliyev oo ku taal magaalada Baku.
Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa kala saxeexday heshiis Cusub kaas oo dhigaya in labada wadan loogu kala safro Kaadhka aqoonsiga (Identifation card).
Talaabadan ayaa ka dhigan in aan muwaadiniinta labadan wadan looga baahnayn wax Visa ah ama Baasaaboor.
Madaxweynaha Turkiga ayaa qayb galay xaflad ciidan oo looga dabaal degayey dalka Azerbaijan.