Ururka Alshabaab Oo Warbixin Ka Soo Saaray Weerar Ay Ku Qaadeen Ciidanka Maraykanka
Ururka Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkii Isniintii ay ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku yaalla deegaanka Janaraal Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.
Qoraal dheer oo ka soo baxay Al-Shabaab, isla markaana lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka weerarkaas lagaga dilay afar askari.
Sidoo kale Al-Shabaab waxay ku sheegeen qoraalkan in weerarkaas ay ciidamada dowladda Soomaaliya uga dileen 16 askari.
“Muddo sanado ah, ciidamada Mareykanku waxay wadeen duqaymo ay u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay ku beegsanayeen dadka muslimiinta ah ee ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab. Isku dayga ula kaca ah ee AFRICOM ay ku doonayso inay ku qariso dhimashada askarta Mareykanka ee weerarkii Janaay Cabdalle, waxay cadayn marag-madoonta ah u tahay ololaha marinhabaabinta ah ee Maraykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.
Qoraalka ayaa intaas ku daray “AFRICOM waxay sidoo kale horay ugu fashilantay inay qirato xaqiiqada dhabta ah ee khasaaraha ciidamadooda kasoo gaaray weeraradii Ballidoogle iyo Manda Bay.”
Afhayeenka Taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM, Chris Karns oo galabkii Isniinta weerarkaas kadib la hadlay VOA ayaa sheegay in Janaay-Cabdalle looga dhaawacay hal askari, wax khasaare ah oo kalena aysan soo gaarin ciidamadooda.
Chris ayaa dhanka kale sheegay inay dileen mid ka mid ah dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday ee Al-Shabaab.
Deegaanka uu weerarku ka dhacay ee Janaay-Cabadalle ayaa 60-KM galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaana Sabtigii lasoo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo is kaashanaya.