Wararkii Ugu Danbeeyey Dalka Suudaan iyo Banaan-baxyo Ka Socda Dalkaas

Dhammaan buundooyinka caasimadda Suudaan ee Khartoum, ayaa maanta oo sabti ah ​​la xidhay ka hor mudaaharaadyada la qorsheeyay inay dalkaasi ka dhacaan.

Inqilaabkii militariga ee bishii hore ee uu hogaaminayay General Abdel Fattah al-Burhan ayaa dhaliyay dibadbaxyo xidhiidh ah oo sababay in waddooyinka magaalada khartouum ay dad buuxdhaafiyaan.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la soo celiyo dowlad rayid ah, sidoo kalana xabsiga laga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii la afgambiyay Abdalla Hamdok iyo maxaabiis kale.

Dawladaha reer galbeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in dib loo soo celiyo dawlad ku meel gaadh ah oo ay shacabku hogaaminayaan.

Maraykanka, Midowga Yurub, Britain, Norway, iyo Switzerland ayaa sheegay in samaynta gole ku meel gaar ah oo cusub oo uu hoggaaminayo milatariga ay sii adkaynayso soo celinta dimuqraadiyadda.

Taliyaha ciidamada Sudan, Janaraal Cabdifatax Al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto dastuuri ah oo lagu dhisayo gole cusub oo madax banaan oo dalkaas maamula, sida uu sheegay telefishinka Sudan.

Banaanbax looga soo horjeedo wareegtada ayaa ka dhacay magaalada Khartoum.

Janaraal Al-Burhan ayaa loo dhaariyay in uu noqdo madaxa golaha sare iyada oo uu goobjoog ka ahaa madaxa cadaaladda Fateh al-Raxman Abdeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker