Booliiska Israa’iil oo sheegay in saddex qof ay ku dhinteen toogasho ka dhacday magaalada Qudus

Ammaanka ayaa sare loo qaaday magaalada Quddus ka dib toogashadii hore ee ay ku dhinteen saddex qof, 16 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegeen booliska Israa’iil.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa yiri “Dadka dhaawacmay, saddex ka mid ah waxay ku sugan yihiin xaalad halis ah inta soo hartayna waxaa soo gaaray “dhaawacyo heerar kala duwan ah”

Booliisku waxay sheegeen in weerarka ay fuliyeen “laba argagixiso oo hubaysan, oo walaalo ah oo 30 jir ah, waxayna ka yimaadeen xaafadda Zur Baher ee bariga Jerusalem” abaaro 07:40 wakhtiga maxaliga ah.

Kooxda weerarka geysatay ayaa “toogtay dad rayid ah oo ku sugnaa boosteejooyinka basaska iyo goobaha gaadiidka laga raaco, iyaga oo adeegsaday qoriga M-16 iyo qori kale oo gacanta lagu qaato”.

“Jawaabta degdega ah” ee laba askari oo Israa’iili ah oo aan shaqada ku jirin iyo qof rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu weerarku ka dhacay ayaa keentay in labada qof ee werarka soo qaadday la toogto ka hor intaysan booliisku imaanin, sidaa uu sheegay afhayeenka booliska u hadlay.

Saraakiisha ayaa bilaabaya baaritaan ku aadan weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker