Ninka ugu taajirsan dunida – Elon Musk oo ka jawaabay Xamaas oo ku casuuntay inuu booqdo Qaza

Shalay, Talaadadii, wakiilka dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Lubnaan, Osama Hamdan, ayaa ku martiqaaday Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza inta lagu guda jiro shir jaraa’id oo uu ku qabtay Beirut, isagoo yiri: “Waxaan ku casuumaynaa Elon Musk inuu booqdo marinka Qaza si uu u arko xajmiga xasuuq iyo dembiyada laga galay dadkeena, iyadoo la raacayo halbeegyada wax-ku-oolnimada iyo kalsoonida Lagana guuro siyaasadda eexda iyo laba-wajiileyntaa ah ee lagula tacaalayo qadiyadda dadkeena iyo xuquuqdooda sharciga ah”.

Intaas kadib Musk ayaa bartiisa X kusoo qoray, “Waxay u muuqataa in halkaasi xoogaa halis tahay laakiin waan hubaa in barwaaqada Qaza ay dhan wabla u wanaagsan tahay.”

Social embed from twitter

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker