Dadka Haysta Sharciga kumeel gaadhka ah Ee maraykanka Oo Aan Lasiin Doonin Green Card-ka

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii shalay aheyd go’aan ka soo saartay in deganaashaha rasmiga ah ee Green Card aan la siin doonin dadka heysta sharciga kumeel gaarka ah ee loo yaqaan TPS ee sida sharci-darrada ah ku soo galay Mareykanka.

Go’aankan ayaa saameynaya ku dhawaad 400,000 oo qof oo ugu yaraan 3,000 oo ka mid ah ay Soomaali yihiin, kuwaas oo ka kala yimid 12 dal.
Cabdiwaaxid Qallinle oo ka mid ah garyaqaanada Soomaalida ee ka howl-gala magaalada Minneapolis, Isla markaana gacanta ku haya kiisas badan oo uu saameynayo go’aankan ayaa sheegay in “Niyad-jab weyn ayay sidoo kale aheyd in dhammaan sagaalka garsoore ee maxkamada isku raaceen go’aankan, waxaan fileynay in ugu yaraan saddex ka mid ah ay diidaan, waxaan kula talinayaa dadka uu go’aankani saameynayo inay deg-deg u la xiriiraan garyaqaannadooda” .

Dadkan oo qaarkood ay nolol iyo qoysas ku sameysteen Mareykanka ayaa go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu kahor istaagayaa inay dalbadaan deganaashaha Mareykanka.

Muhaajiriinta heysta TPS ee sharcigu ka ilaalinayo in la musaafirin ayaa ka kala yimid dalalka Soomaaliya, El Salvador, Haiti, Honduras, Myanmar, Nepal, Nicaragua, South Sudan, Sudan, Syria, Venezuela iyo Yemen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker