Ra’iisul Wasaraha Somaliya oo bilaabay in BF uu kala tashado dhismaha golaha wasiirada cusub

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bilaababay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la yeesho kulamadii ugu dambeeyay ee dhismaha golaha wasiirada.

Kulamadan ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay sida ugu haboon ee loo soo dhisi karo Golaha wasiirada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada kadib lagu wado in R/wasaare Xamse uu ku dhawaaqi doono golihiisa wasiirrada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan, in xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Xamse ay ka dhex muuqan doonaan qaar ka mid ah wasiirrada xukuumaddii hore ee R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa doon­ayo in wasi­irada uu gaar­si­iyo il­laa 30 xub­nood, halka markii hore ay ahaay­een 26 Qor­shaha wasi­irka koowaad ee xuku­umadda cusub ayaa ah inuu soo ko­rd­hiyo ugu yaraan il­laa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda dee­gaanka.

Xuku­umadda cusub ayaa waxaa ho­ryaallo shaqooyin adag oo ugu hor­reyso wax ka qabashada am­maanka iyo xaal­adaha abaa­reed ee haatan ka jira dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker