Nin Eriteriyan ah oo askari Israa’iili ah ka badbaadiyay Xamaas oo loo abaal guday

Nin u dhashay dalka Eriteriya oo badbaadiyay Kornayl Israa’iili ah oo ku dhaawacmay weerarkii Xamaas ayaa Israa’iil siisay sharci degenaansho rasmi ah.

Ninkaan oo ahaa qaxooti ka soo jeeda dalka Eriteriya oo lagu magacaabo Mulugeta Tsegai ayaa badbaadiyay nolosha askariga markii si xun loogu dhaawacay weerar Xamaas ay ku qaaday magaalada Sderot ee Israa’iil.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warantay in Eriteriyaanka uu ogolaansho rasmi ah hadda ka helay wasiirka arrimaha gudaha ee Israa’iil Moshe Arbel taasi oo uu ku muteystay sida la sheegay nafta Kornaylka ee uu badbaadiyay isla markaana uu naftiisa halis galiyay.

Magaalooyinka Israa’iil waxaa ku nool dad Afrikaan ah oo ka yimid dalal kala duwan oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Eriteriya iyo Itoobiya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker