Sababta beeraleydaan ay u iibinayaan kelyahooda, beerkooda iyo indhahooda

Qaar ka mid ah beeraleyda dalka Hindiya ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin is biirsaday sida roob la’aan, kuleyl dhaqaale la’aan, dhulkii oo angagay iyo daymo dalku qaatay oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka.

Culeysyadaan dhanka nolosha ah ayaa keeny in war la yaableh uu ka soo yeero dadka noloshoodu ku tiirsantahay beeraha.

Sannadkan, in ka badan kala bar dalagga ayaa engegay, dalagga soo harayna waxa saameeyay kuleylka, taasina waxay keentay in dakhligu hoos u dhaco.

Warqad ay beeralaydaan u direen mas’uuliyiinta dowladda ee tuulada Goregaon ee magaalada Mumbai, ayaa waxaa ay ku ogeysiiyeen in ay iibinayaan xubno ka mid ah jirkooda sida kelyahooda, beerka iyo indhaha.

Beeralaydaas oo hadlayay ayaa yiri, “Waxa aanu ku iibinaynaa xubnahayaga qiimo jaban 75,000 toban kelyood, 90,000 beerka, 25,000 oo indhood, waxaanu ka codsanaynaa dawladda inay soo iibiso oo ay naga caawiso dhibaatada na haysata,“

Lacagtaan ay sheegeen in ay ku iibinayaan xubnaha muhiimka ah ee jirkooda ayaa ah lacagta dalka Hindiya.

Xaaladda beeraleyda ayaa meel adag maraysa waxaana la sheegayaa in guudahaan beerlayda Hindiya ay isku mid yihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker