Maxay yihiin dhalinyarad Afrikaanka ah ee loo dirayo Israa’iil?

Siyaasiyiinta mucaaradka Malawi iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Lazarus Chakwera iyo dowladdiisa inay u direen 221 dhalinyaro Malawi u dhashay inay ka shaqeystaan beeraha Israa’iil .

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Israa’iil gargaar lacag ah oo dhan $60m oo doollar ay ku caawisay Malawi si kor loogu qaado dhaqaalaha dalkaasi.

Shaqaalaha loo dirayo Israa’iil ayaa laga muujiyay walaac dhanka amniga ah iyo in khatar la galinayo nolosha muwaadiniinta dalkaasi, ayada oo ay socoto iska hor imaadka u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil .

“In dadka loo diro waddan ay dagaallo aafeeyeen sida Israa’iil oo kale, halkaas oo waddamada qaar ay shaqaalahooda kala baxayaan waa wax aan horay loo arag,” ayuu yir hoggaamiyaha mucaaradka Malawi Kondwani Nankhumwa BBC-da la hdlay.

Heshiiska Israa’iil loogu dirayo dhalinayarada u dhashay Malawi ayaa imaanaya ayada oo dalkaasi ay ka jirto dhaqaale xumo baahsan .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker