Burcad mootooyin ku afduubtay boqollaal qof

Ugu yaraan 100 qof ayaa dabley hubeysan ay ku afduubteen waqooyi galbeed ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in rag hubeysan oo mooto watay ay weerareen tuulooyin ka tirsan gobolka Zamfara.

Dadkan ayaa la afduubtay ka dib markii tuulooyinka ay bixin waayeen “canshuur” ay ku soo rogeen ragga hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sannadihii u dambeeyay afduubka lagu raadsanayo lacag madax-furasho ah ayaa ku baahay waqooyi-galbeed ee Nigeria.

Kooxo hubeysan, oo gudaha loogu yeero burcad, waxay beegsadaan tuulooyinka, iskuulada, iyo dadka safarka ah, iyagoo dalbanaya malaayiin lacag ah oo madaxfurasho ah.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker