Sierra Leone oo looga dhawaaqay bandow dalka oo dhan ah kaddib markii la weeraray xeryaha ciidamada.

Dowladda Sierra Leone ayaa ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah, kaddib markii rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ay weerar ku qaadeen xero ciidan, iskuna dayeen inay jabsadaan bakhaarada hubka magaalada caasimadda ah ee Freetown, sida ay dowladdu sheegtay maanta oo Axada.

War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xaaladda ay gacanta ugu jirto ciidamada ammaanka.

“Saacadihii hore ee maanta oo Axadda, dad aan la aqoonsan ayaa isku dayay in ay jabsadaan kaydka hubka milatariga ee xerada Wilberforce, waase laga diiday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Chernor Bah.

“Bandoowga dalka oo dhan ayaa looga dhawaaqay oo si degdeg ah ayuu uga dhaqan galayaa…Waxaan si adag kula talinaynaa muwaadiniinta inay guryahooda ku jiraan,” ayaa lagu yiri warka Dawladda ka soo baxay.

Sarkaal sare oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wakaaladda warrarka ee Reuters in xabsiga dhexe ee magaalada Freetown uu furan yahay, maxaabiista qaarna ay baxsadeen.

Xabsiga, oo loogu talagalay in lagu xiro 324 maxbuus, ayaa lagu hayay in ka badan 2,000 sanadkii 2019, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Ma cadda tirada ka baxsatay xabsiga, balse muuqaallo lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinayay dad badan oo ka cararaya agagaarka xabsiga, iyadoo rasaas laga maqlayo muuqaalka.

Reuters ma aysan xaqiijin muuqaallada barraha bulshada la soo dhigay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka Galbeedka Afrika ku yaala ayaa weli kacsan tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Julius Maada Bio doorashadii lagu murmay bishi iJuun, taasoo natiijadii ka soo baxday uu diiday musharaxa ugu weyn ee mucaaradka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker