Waa dad noocee ah kuwa ay Israa’iil ku siideysay heshiiska maxaabiis isdhaafiga ee ay xamaas la gashay

Waxaa Jimcihii ka dhacay daanta galbeed ee la haysto iyo bariga Quddus dabbaaldegyo lagu soo dhawaynayay kooxdii ugu horreysay ee 39 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay Israa’iil sii deysay.

Kooxdan oo ka kooban 24 dumar ah iyo 15 wiil oo dhalinyaro ah ayaa laga sii daayay guud ahaan barta kontorool ee Beitunia ee daanta galbeed.

Waxaa sabtida maanta la filayaa inuu dhoco iswaydaarsi kale, kaas oo 14 Israa’iiliyiin ah ay Xamaas sii deynayso si 42 Falastiiniyiin ah loogasoo saaro xabsiyada Israa’iil.

Waxaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan, dhagax tuur iyo isku day dil. Qaarkood ayaa la xukumay halka qaar kalena ay sugayeen maxkamad.

Sari Baashi, oo ah maamulaha barnaamijka Hay’adda Xuquuqda Aadanaha, ayaa BBC u sheegay in maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah ay u xiran yihiin dambi la’aan, iyadoo la raacayo nidaam loo yaqaan xabsi maamul.

“Waxa lagu haystaa caddaymo sir ah oo ay maamulka Israa’iil sheegeen inay hayaan oo sheegaya inay khatar yihiin.

“Human Rights Watch waxay walaac gaar ah ka qabtaa isticmaalka baahsan ee xariga maamulka…Dadka kale ee lagu soo oogay ama lagu xukumay dambiyo waxaan walaac weyn ka qabnaa nidaamka cadaalada ee militariga Israa’iil ee khuseeya Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta laakiin aan ahayn Israa’iiliyiinta. “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker