Tirada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil sii daayay iyo qof kamid ah dadkaas oo dareenkeeda ka hadashay

39 maxbuus oo falastiiniyiin ah ayay Israa’iil sii daysay, waxaana dabaal dagyo laga arkayaa Daanta Galbeed ee la haysto markii ay dadku guryahooda ku soo dhaweynayeen dadkaas la sii daayay.

24-ka haween ah iyo 15 wiilal aan qaan gaarin oo dhalinyaro ah ayaa laga sii daayay guud ahaan barta kontorool ee Beitunia, oo u dhaw Ramallah.

Waxaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan, min dhagax tuur iyo isku day dil. Qaar ayaa lagu helay dambiyo halka qaar kalena ay sugayeen maxkamad.

Dadweyne aad u fara badan oo lulaya calamada ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay, waxaana dusha sare laga arkayaa rashka.

Mid ka mid ah maxbuusta Falastiiniiyiinta ah ah oo la sii daayay oo lagu magaacaabo Marah Bakeer. Waxaa la xiray sanadkii 2015-kii, iyadoo 16 sano jir ah, waxaana lagu xukumay sideed sano iyo bar oo xarig ah, kadib markii ay mindi ku weerartay askari ka tirsan booliska xadka ee Israa’iil .

Bakeer ayaa u sheegtay saxafiyiinta : “Heshiiskani waxa uu imanayaa dhimashada dad badan kadib tanina waxay naga dhigaysaa kuwa aan ku faraxsanayn oo aan daganeyn.”

Waxay sheegtay in lagu hayo meel cidlo ah oo aanay “wax war ah ka hayn waxa dibadda ka dhacaya, wax fikrad ah kama haysto xaaladda Gaza”.

“Warka heshiiska wuxuu ahaa mid la yaab leh,” ayay tiri.

Maxaabiista ayaa laga dhex doortay liis ay ku qoran yihiin 300 oo haween iyo carruur aan qaan-gaarin oo ay Israel soo diyaarisay.

In ka yar rubuc ka mid ah kuwa liiska ku jira ayaa la xukumay – inta badan waxaa lagu hayaa xabsiga iyagoo sugayay maxkamad. Inta badan kuwa liiska ku jira waa wiilal qaan-gaar ah – 40% ka mid ah waxay ka yar yihiin da’da 18. Waxaa sidoo kale jira hal gabar iyo 32 dumar ah.

Xamaas waxay qafaalatay in ka badan 200 oo qof intii lagu guda jiray weerarkii 7-dii Oktoobar halkaas oo lagu dilay 1,200 oo qof.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in tirada Falastiiniyiinta ee lagu haysto xabsiyada Israa’iil iyagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin ay kor u kacday tan iyo weerarkii 7-dii October.

Ugu yaraan 60 gawaarida xamuulka ah ayaa galay Gaza tan iyo markii uu hakad ku yimid dagaalka – Israel ayaa sheegtay in sideed ka mid ah gawaarida xamuulka ah ay keenayaan shidaal, qayb ka mid ah 130,000 oo litir oo la geeyo Gaza maalin kasta oo xabbad joojinta socoto.

Inkasta oo heshiiska xabbad joojinta afarta maalmood ah uu soo jeedinayo in dhammaan goobaha ay gali karaan hay’adaha gargaarka, Israa’iil waxay u sheegtay Falastiiniyiinta hadda ku barakacay koonfurta inaysan isku dayin inay ku noqdaan guryahooda, iyadoo sheegtay in waqooyiga ay tahay aag dagaal – inkastoo kumanaan rayid ah la rumeysan yahay inay ku harsan yihiin halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker