Markab Israa’iil leedahay oo lagu weeraray Badweynta Hindiya iyo wararkii ugu danbeeyay ee Qaza

Haweeney u dhalatay dalka Thailand oo lagu magacaabo Kittiya Thuengsaeng, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay rajada ah inay dib ula midoobi doonto saaxiibkeed, Wichai Kalapat, ka dib markii horay ay u ay rumaysatay in lagu dilay weerarkii 7-dii October lagu qaaday Israel.

Kittiya ayaa Wichai ay ka aqoonsatay muuqaalada TV-ga ee laga baahiyay10-ka la haystayaasha Thailand u dhashay ee laga sii daayay Gaza.

Markii hore, waxay heshay war aan fiicneyn oo sheegaya in Wichai uu ka mid ahaa muwaadiniin Thailand u dhasahy oo la rumeysan yahay in lagu dilay weerarka Xamaas. Si kastaba ha ahaatee, markii la daabacay liiska rasmiga ah ee dadka dhintay, magaciisa kuma jirin.

Kittiya ayaa todobaadkii hore ogaatay in Wichai uu ka mid ahaa 26 muwaadiniin Thailand u dhashay oo lagu haysto Gaza. Waxay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay in ay aragto isaga oo nool, waxayna rajaynaysay inuu dhaawaca maskeed ee soo gaaray ka soo kabsado ka hor inta uusan ku laaban Thailand.

Qoysas kale oo badan ayaa si walaac leh u sugaya war ku saabsan eheladooda oo laga yaabo in la sii daayay. Ra’iisul wasaaraha Thailand ayaa markii hore sheegay in 12 qof la sii daayay, balse warar dambe ayaa sheegay in tirada ay tahay 10. Siideynta muwaadiniinta Thailand ayaa ka duwan heshiis dhigaya in 50 la haystayaal Israa’iil ah laga sii daayo Qaza, inta lagu guda jiro muddo afar maalmood ah oo ay ku hakiyeen dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker