Madaxweynaha Madagascar oo mar kale lagu doortay codbixin lagu murmay

Madaxweynaha xilka haya ee Madagascar Andry Rajoelina ayaa mar saddexaad ku guuleystay doorashada, kaddib doorasho lagu murmay oo ay qaadaceen mucaaradka iyo taageerayaashooda.

Waxa uu ku guuleystay 59% codadkii la dhiibtay si uu uga adkaado labadii musharax ee aadka ugu dhawaa ee ee kala ah ninkii uu xilka ka tuuray oo ahaa madaxweynihii hore oo lagu magaacabo Marc Ravalomanana iyo Siteny Randrianasoloniaiko.

Doorashadu waxa ka qeybgalay 46% codbixiyeyaal ah, taas oo loo arko in ay tahay tii ugu hoosaysay taariikhda jasiiradda.

Arrintan ayaa daba socotay kadib markii ay 10 ka mid ah musharixiinta u tartameysa doorashada ay qaadaceen doorashada.

Waxa ay sidoo kale ka tanaasuleen musharraxnimadooda walaac ay ka qabaan kalsoonida lagu qabi karo doorashada, waxaana ay ku gacan seyreen madaxweyne Rajoelina oo mar saddexaad isku soo taagay doorashada iyo saxnimada musharaxnimadiisa, maadaama uu labo dhalasho mid uu ka haysto Faransiiska iyo kan kale oo uu ka haysto dalkiisa.

Maxkamadda dastuuriga ah ayaa laashay rafcaankoodii ay ku baabi’inayeen musharaxnimada Mr Rajoelina.

Inkastoo ay tanaasuleen, haddana magacyada musharixiinta ee ku haray warqadda codbixinta. Mr Randrianasoloniaiko ayaa helay 14% codadka halka Mr Ravalomanana uu helay 12%. Maxkamadda dastuuriga ah ayaa haysata sagaal maalmood oo ay ku xaqiijiso natiijada Sabtidii uu ku dhawaaqay guddiga doorashada Madagascar, Ceni.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker