Sida haweeneydan oo madadaalo u sameyneysa askarta dalkeeda ay gantaal ugu dhufteen ragii ay iska horjeedeen

Aktarad u dhalatay dalka Ruushka oo lagu magacaabi jiray Polina Menshikh ayaa la dilay xilli ay bandhig faneed ku qabaneysay hoolka qoob ka ciyaarka oo ku yalla magaalo Ukraine katirsaan oo la haysto.

Hoolka ayaa lagu garaacay madaafiic 19-kii November xilli ay bandhig fanneed ka sameyneysay xaflada dabaal-dega fasaxa ciidamada Ruushka.

Ukraine ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​20 askari oo Ruush ah lagu dilay weerarka, balse maamulka Ruushka ayaan arrintan ka hadlin. Hoolka qoob ka ciyaarka ee la weerary ayaa qaadi kaara ku dhawaad ​​150 kursi.

Muuqaal ku wareegaya baraha bulshada ayaa u muuqda inuu muujinayo xilliga duqeynta, iyadoo Marwo Menshikh ay masraxa ku jirtay ka hor inta aan qaraxa la maqal oo nalalka damin. Markii dambe waxay u geeriyootay dhaawacii soo gaaray iyadoo isbitaalka ku jirta. Afhayeen u hadlay ciidamada Ukraine ayaa xaqiijiyay dhacdadan.

Masrax ku yaalla St Petersburg ee dalka Ruushka oo xiriir la leh Marwo Menshikh ay ku dhawaaqay in bandhig faneedka soo socda uu u hibeyn doono xusuusteeda.

Duqeynta ayaa ka dhacday tuulada Kumachove, oo ku taal meel 60km (37 mayl) u jirta jiidda hore ee gobolka Donetsk, oo uu Ruushka haystay tan iyo 2014.

Meelaha kale ee gobolka Donetsk, sida Avdiika iyo Bakhmut, ayaa sidoo kale la kulmay dagaalo xoogan oo bilihii lasoo dhaafay socday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker