La taliyihii hore ee Obama oo loo xidhay hadal ka careysiiayay Musliminta

Booliska magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga u taxaabay la taliyihii hore ee madaxweynihii hore ee Mareykanka, Obama.

Ninkan oo lagu magacaabo Stewart Seldowitz ayaa la xiray kadib markii uu jeediyay hadallo nacayb ah oo ka dhanka ah muslimiinta, xili uu ku sugnaa maqaaxi laga cuno cuntada xalaalka ah oo ku taala magaaladaas.

Hadallada uu yiri ayaa la xirriira carrurta lagu laayay Qasa.

Muuqaalada oo la soo dhigay barta Twiter-ka, ayaa waxaa aad ugu carooday muslmiinta.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in mid kamid ah shaqaalaha maqaaxidaas uu ugu yeeray ‘argagaxiso’.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker