Carruur xanuun la il daran kadib markii ay ka dhargeen cunto laga dhex helay Mas bakhtiyay
Hay’adda xuquuqul insaanka ee Hindiya ayaa baareysa wararka sheegaya in in ka badan 100 caruur ah ay ku xanuunsadeen cunista qado iskuul kadib markii mas dhintay laga dhex helay cuntada.
Cunta kariyaasha iskuulka ayaa la sheegay ay siinayeen cilmaha qadada xilliga arrintaani dhacday, inkasta markii dambe laga soo saaray weelkii mas bakhtiyay, sida ay guddiga xuquuqal iinsaanka qaranka ku sheegeen war ka soo baxay.
Guddiga ayaa sheegay in ilaa 500 oo caruur ah la rumeysan yahay in cuntada lagu siiyay magaalada Mokama ee gobolka Bihar ee bariga Hindiya.
Ka dib markii carruurtu bilaabeen inay xanuunsadaan, dadka deegaanka ayaa xiray waddo iyagoo mudaaharaadaya, sida ay u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda ay wariyeen.
“Guddigu wuxuu u kuurgalay in waxyaabaha ku jiray cuntada, haddii ay run yihiin, ay soo jeedinayaan in arrintaas ay halis iyo xadgudub ku tahay xuquuqda aadanaha ee ardayda,” ayaa lagu yiri warbixinta.
Bayaanku waxaa lagu dalbaday “warbixin faahfaahsan” laba toddobaad gudahooda oo laga helo madaxda sare ee gobolka taas oo ay ku jiri doonto “xaaladda caafimaad ee carruurta”.
Sannadkii 2013-kii, cunto wasakhaysan ayaa la sheegay in ay sababtay dhimashada 23 arday isla iskuul ku yaalla gobolka hadda dhacdadu ka dhacday.Booliska ayaa hadda sheegaya in uu socdo baaritaan ku saabsan arrintaan.