Taangiyada Israa’iil oo kaabiga ku haya isbitaal kale

Taangiyada Israa’iil ayaa u ruuqaansaday dhanka isbitaalka Indunuusiyan ee waqooyiga Qasa halkaas oo la sheegay in ku dhawaad toban qof lagu dilay ka dib duqaymaha Israa’iil saaka.

Wax yar ka hor, agaasimaha isbitaalka, Dr Marwan Al-Sultan ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada Israa’iil ay u jiraan dhismaha 20 tillaabo.Sidoo kale wararka ayaa sheegayay in rasaas laga maqlayay agagaarka isbitaalka.

Hadalkii u dambeeyay ee ka soo baxay militariga Israa’iil ma muujin in taangiyadoodu ku dhowyihiin isbitaalka Indunuusiyan ee waqooyiga Qasa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker