“Maxamuud Xaashi Boqol Jeer Oo Hore Bu Ila Ambaddo, Maanta Ila Amban Maayo” Boqor Buur-maddow.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow Oo Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka Somaliland Kuwoodda Ugu Magaca Iyo Saameynta Weyn, Ayaa Si Weyn Uga Dariyey Sii Jirista Mustaqbal Ee Jamhuuriyadda Somaliland, Kadib Markii Loo Maaro Waayey khilaaf Siyaasaddeed Oo La Xidhiidha Doorashooyinka.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Ayaa Si Adag U Dhaliilay Hanka Siyaasi Ee Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland Ee Dalka Kaga Dhawaaqay Ururadda Siyaasadda Ee Cusub, Isagoo Boqorku Eeddeeyey Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Inuu Madaxweyne Biixi Kala Shaqeynayo Siddii Uu U Heli Lahaa Muddo Kordhin Aan Sharci Ahayn. Isagoo Ugu Baaqay In Aanu Abtiyaashii (Hogaanka Labadda Xisbi Mucaaridka) Aanu Ka Galin Mar Labaad Goddob Siyaasaddeed, Waxaanu Yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-maddow “Maxamuud Xaashi Boqol Jeer Oo Hore Bu Ila Ambaddo Maanta Ila Amban Maayo, Hore Waxaan Kuu Mooddi Jiray Nin Xisbi Raba, Laakiin Wali Waxaad Kala Shaqeynaysaa Muuse Biixi Muddo Kordhin Aan Sharci Ahayn. Waxaan Kugu LaTalinnayaa Abtiyaashaa Goddob Kale Oo Siyaasaddeed Ha Ka Galin”
Boqor Buur-maddow Oo Ka Hadlaya Sii Jirista Mustaqbal Ee Jamhuuriyadda Somaliland, Ayaa Yidhi “Somaliland Way Burburaysaa Oo Madaxweyne Dambe Oo Wadda Xukumayaa Ma Jirayo”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker