Ciyaaryahan hore Imran Khan oo ku guuleystay doorashadii Wadanka Pakistan Faaf-faahin.

Guddiga Doorashada Pakistan ayaa sheegay in cayaaryahankii hore ee isku beddelay siyaasaiga, Imran Khan, uu ku guuleystay doorashadii baarlamanka ee dalkaas ka dhacday, hase yeeshee xisbigiisa uusan helin codad ku filan si uu dowlad usoo dhiso.

Ku dhawaaqistan ayaa timid saacado kadib markii Khan uu sheegtay in xisbigiisa PT uu ku guuleystay doorashada.

Khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu guushiisa ugu dabaal-dagayey ayuu Khan ku ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono musuq-maasuqa, isaga oo is-beddel ku sameynaya habka maamul ee dalkaas.

Dhammaan xisbiyada la loolamayey xisbiga Khan ee PT ayaa tuhunsan in codbixinta la musuq maasuqay, iyada oo loogu eexanayo Khan, eedeyntaas oo guddiga doorashada Pakistan uu beeniyey.

Guddoomiyaha guddiga Sardar Mohammad Raza ayaa aad u difaacay hannaanka doorashada oo uu sheegay in 100% uu ahaa mid sax ah oo aan wax qalad ah ka dhicin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker