Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Mareykanka oo geeriyooday

Cabdikariim Cali Cumar oo horay u soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee shalay ku geeriyooday magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Sida ay ku warrameen xubno ka tirsan ehelkiisa danjire Cabdikariim ayaa maalmihii ugu dambeeyay xanuun awgiis la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Ohio.

Si dhab looma oga sababta geerida danjiraha.

Cabdikariim oo ahaa danjirihii ugu dambeeyay ee dowladdii millatariga ahayd ee Soomaaliya ku metela dalka Mareykanka ayaa xafiiska joogay muddo kooban maadama ay burburtay dowladdii uu wakiilka ka ahaa ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada.Tan iyo burburkii dowladdii kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayay danjire Cabdikariim waxa u uku noolaa dalka Mareykanka.

Bishii October ee sanadkii tagay ayuu dalka Mareykanka kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay tartanka xilka madaxweynennimo ee Soomaaliya doorashada soo socota.

Wuxuu safiir ka ahaa Mareykanka xilliggii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker