Raysal wasaaraha Israa’iil oo loogu baaqay inuu is cesilo

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa ugu baaqay raysal wasaare Benjamin Netanyahu inuu xilka ka dego, sababo uu ku sheegay inay dowladdiisu ay si xun u maamushay dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

Lapid waxa uu sheegay in uu doonayo in la sameeyo “dawlad dib u dhista qaranka” – waxaa laga yaabaa inuu hoggaamiyo xisbiga Netanyahu ee Likud, laakiin waxaa uu sheegay inuu door bidayo in raysal wasaarahu uu meesha ka baxo.

Lapid ayaa bartiisa X, ku qoray in ciidamada Israa’iil iyo dadweynaha ay muujiyeen adkeysi tan iyo weerarkii Xamaas ee toddobadii Oktoobar, laakiin ” xagga gabaisku ka jiro waa dowladda, gaar ahaan raysal wasaaraha”.

Yair Lapid ayaa ku dhaliilay xukuumadda waqtiga dagaalku qaatay ee bisha ka badan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker