Ciidamada Israa’iil oo weeraray guriga Ismaaciil Haniya madaxa siyaasadda Xamaas
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen guriga hoggaamiyaha sare ee Xamaas Ismaaciil Haniyah oo ku yaalla Qasa.
Qoraal ay soo dhigeen barta X, ayay Ciidamada Difaaca Israa’iil ku sheegeen in ay adeegsadeen diyaarado dagaal habeenimadii Arbacada si ay u duqeeyaan guriga madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas
Ciidamada ayaa ku andacoonaya in guriga Ismaaciil Haniya loo isticmaalayay qalabka argagixisada iyo “goob ay ku kulmaan madaxda sare ee ururka”.
BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto warka ka soo baxay ciidamada Milatariga Israa’iil.