Maxkamadda sare ee Britain oo soo saartay go’aan farxad geliyay dadka magan gelyo doonka ah

Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’aamisay in qorshaha dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah loo diro Rwanda uu yahay sharci darro.

Isagoo xukunka ridaya, garsoore Lord Reed, wuxuu sheegay in qaxootiga ay halis ugu jiraan in dib loogu celiyo dalalkii ay ka soo carareen.

Tani waxay si cad u jebinaysaa heshiiskii Qaramada Midoobay ee qaxootiga.

Xukunkan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda UK oo rajaynaysay in qorshahan uu hakiyo kumanaan muhaajiriin ah oo sanad waliba doonyo yaryar ku taga UK.

Xukunka waxaa si taxadar leh u falanqeyn doona dhowr waddan oo Yurub ah.

Iyadoo ka jawaabeysa go’aanka maxkamadda sare, dowladda Rwanda ayaa qaadatay go’aanka ah in dalkaas uusan ammaan u ahayn magan-galyo doonka iyo qaxootiga.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in Rwanda ay si dhab ah u qaadatay mas’uuliyadeeda bini’aadantinimo ayna sii wadi doonto sidii ay uga soo bixi lahayd.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker