Isbitaalka ugu weyn Qasa oo laga maqlay qaraxyo iyo rasaas

Goob jooge  ku sugan gudaha isbitaalka Shifa ayaa sheegay in xaalad cakiran ay weli ka jirto Isbitaalka, isla markaana uu maqlay dhowr qarax iyo rasaas la is dhaafsanayay xalay.

Waxa kale oo uu ii sheegay in gawaarida dagaalka ay ku gadaamanyihiin isbitaalka oo dhan, oo aaney aanay suurtagal ahayn in isbitaalka la soo galo.

“Xataa in qayb laga guuro lana aado qaybta kale ee isla dhismaha isbitaalka ah waa halis weyn,” ayuu yiri qofka aan la hadalnay.Waxa uu sheegay in dadka isbitalaka ku geeriyooday ay u dhinteen sababo la xiriira koronto la’aan iyo biyo la’aanta ka jirta iyo dawooyinka oo aan ku filneyn.

Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in isku day ay ciidamada milatariga ku doonayeen in 300 oo litir oo shidaal ah ay ku geeyaan isbitaalka Shifa maalintii Axadda uu guuldarreystay sababtoo ah “Xamaas ayaa diiday in ay aqbasho,” ayuu yiri balse Xamaas ayaa beenisay hadalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker