Qarax ka dhacay dibadda kuliyadda Jaale Siyaad ee Muqdisho

Qof walxo qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay dibadda ilinka laga galo kuliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho sida ay BBC-da u sheegeen illo dhinaca amniga ah.

Qofka xirnaa walxaha qarxa ayaa ku soo dhawaaday albaabka laga galo kuliyadda, balse askarta ilaallada ka ahayd ayaa u sheegay in uu joogsado, wuu ka dhaga adeegay, deetana waxay ku fureen rasaas, isagoo halkaa ku qarxay.

Illo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa BBC-da u sheegay in kaliya qofka xirnaa walxaha qarxa uu goobta ku dhintay, isla markaana aanay jirin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin qaraxyada noocan ah ee ka dhaca Soomaaliya waxa fuliya rag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

24-kii Luuliyo ee sanad kan ayay ahayd markii qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsaday askar saf ku jirtay gudaha Kuliyadda Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker