”Dhalinta Macadanta ka qodaya buuraha Sanaag waxa ay ka iibiyaan dad ajaanib ah oo … “

Hay’adda arrimaha deegaanka ka shaqeysa ee Adeso ayaa walaac xoogan ka muujisay olole sii fidaya oo dadkii dhuxusha gubi jiray ay macdan uga qodayaan gobolka Sanaag. Madaxa Hay’adda Adeso, Faadumo Jaamac Jibriil ayaa in olelaha qodida macdanta ay bilaabeen kadib markii hay’adda iyo odeyaasha deegaanka ay ku guuleysteen in la joojiyo jarista iyo gubida dhirta dhuxusha laga sameeyo.

 

“Dadkii dhuxusha shidan jiray badidood oo laga joojiyeey wax ay ku yaaceen dhulka gubanta la yidhaahado ee macagta oo ay ka heleen xogaa dahab ah, kuwaasoo ay ka iibsanayaan dad ajaaniib ah,” Ayay tidhi Faadumo Jibriil.

 

Meelaha ugu badan ee macdan qodida si xoogan uga socota waxaa ka mid ah deegaanka Durduri iyo Buuraha Calmadoow ee gobolka Sanaag. Dadka ku howlan macdan qodida waa dhallinyaro u badan reer guuraa iyo xoolo-dhaqato, iyo qaar magaalooyinka kasoo iibsaday qalab lagu baaro dahabka.

 

Madaxa Hay’adda Adeso waxa ay sheegtay in saddex kun oo dhallinyaro ah ay hadda macdan qodasho ka wadaan deegaanka buuraleyda ah ee Calmadoow. Waxaa macdanta iyo dahabka ay soo helaan dhallinyarada ka iibsata dad dulaaliin ah oo la sheegay inay u shaqeeyaan dad kale oo ajnabi ah.

 

”Dhalinta Macadanta ay qodayaan waxa ay ka iibsadaan dad ajaanib ah oo waxay ka siistaan lacago yar kuwaaso ay ku bedeshaan Jaad ,iyo waxaan naftooda waxba u tareen”. Ayay raacisay Faadumo jibriil.

 

Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay meelaha ay sida daran u saameysay xaalufka deegaanka iyo dhir dhuxuleynta, taas oo u nugleysay abaaraha. Shaqo la’aanta gobolka ka jirta ayaa dhallinyaro badan ku riixday inay xirfado ka dhigtaan dhir dhuxuleynta, iyo macdan qodida.

 

Hasayeeshee madaxa hay’adda Adeso, Faadumo Jibril waxay walaac ka muujisay inay olelaha cusub ee macdan qodidu saameyn xun ku yeelato deegaanka .

”Waxa ay dhulkii ka qodeen Boholo kuwaaso dhibaato ku haya dadka iyo xoolaha oo xiliyada ay da’aan roobabku way ku jajabayaan”. Faadumo ayay tidhi.

 

Sanaag waxaa uu kamid yahay Gobolada ugu xasilool dhanka ammaanka marka loo eego gobolada kale ee dalka ,inkastoo anay jirin ciidamo ka howl gala balse waxaa midba dhankiisa ka sheegta inay xukumaan Soomaliland iyo Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker