Sirdoonka Somaliland Ayaa Qabtay 18 Gaadiid Ah Oo Ku Lug Yeeshay Falal Qorshaysan
Hayโadda sirdoonka Somaliland ayaa gacanta ku dhigtay 18 gaadiid ah oo ku lug yeeshay falal qorshaysan oo hay’adu fashilisay.
Qoraal ka soo baxay Hayโadda sirdoonka Somaliland ayaa u dhignaa sidan:-
Hayโadda Sirdoonka Somaliland NIA oo raacaysa xogo ay heshay ayaa ku guulaysatey in ay gacanta ku dhigto 18- gaadhi oo ku lug yeeshay fududaynta falal qorshaysanaa oo hayโaddu fashilisay,
Baabuurtan ayaan lahayn taarikada gaadiid ka lagu aqoonsado.
Hayโadda Sirdoonka Somaliland NIA ayaa ku daba jirta tiro kale oo kamid ah gaadiidkan.
Fadlan muwaadin ku wargali hayโadaha amniga haddii aad aragto baabuurta ay ka maqan tahay taarikadu.