Dagaalka ka socda xadka Israa’iil ay la wadaagto Lubnaan oo sii xoogeysanaya

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaalka lidka taangiyada laga soo riday xadka Lubnaan. Inta la xaqiijiyay 6-ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid kamid ah la sheegay in xaaladiisa ay aad u liidato.

Rasaasta la is weydaarsaday ayaa timid saacado kadib markii wasiirka difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant uu booqday askarta Israa’iil ee ku sugan waqooyiga, wuxuuna si cad u sheegay in Xisbullah aysan ahayn in xilligan ay ka cadhaysiiyaan Israa’iil.

Wuxuu intaas ku daray in guulihii ay ka gaareen Qaza, goobtaas lagu soo celin karo Beirut. Markaa si cad ayuu ugu digayaa Xisbullah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradii ugu dambeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker