Waa sidee xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xassan oo qalliin galay?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa qalliin garabka ah ku maray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

Xafiiska ayaa sheegay, in madaxweynaha uu haatan ka soo bogsanayo qalliinka ‘yar’ ee uu maray. Wax faahfaahin kama uusan bixin xannuunkiisa garabka.

Madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu sidoo kale kula kulmay mas’uuliyiinta sar sare ee dowladaha Carabta, sida uu qoray wargeyska Sonna.

Waxaa uu intaa kadib u safray magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu ugu qeyb galo shirweynaha waddamada Afrika iyo Sacuudiga.

Tan iyo markii xilka loo doortay, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u safray dhowr waddan oo ay ku jiraan kuwa Khaliijka, si uu taageero ugu raadiyo dagaalka ay dowladdiisa kula jirto ururka Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker